MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu hambalyeysay Baxreyn guusha ay ka gaartay doorashada xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ee sannadihii 2026–2027, kadib codbixin ka dhacday fadhiga Guud ee Qaramada Midoobay Talaadadii magaalada New York.
“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo diiran u diraysaa Boqortooyada walaalaha ah ee Baxreyn, dawladdeeda iyo shacabkeeda, guusha ay ka gaareen xubinnimada Golaha Ammaanka,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa sheegtay in doorashadan ay muujinayso doorka muhiimka ah ee Baxreyn ay ka ciyaarayso arrimaha amniga iyo wada-shaqeynta caalamiga ah, gaar ahaan iyada oo metelaysa kooxda Aasiya ee xubnaha Qaramada Midoobay.
Boqortooyada Baxreyn ayaa noqoneysa mid ka mid ah shan xubnood oo cusub oo aan joogto ahayn oo la doortay si ay ugu biiraan Golaha Ammaanka, kaas oo qaabilsan ilaalinta nabadda iyo ammaanka caalamka.
Soomaaliya iyo Baxreyn ayaa leh xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyaga oo ka wada tirsan Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Xubinnimada Baxreyn ee Golaha Ammaanka ayaa si rasmi ah u bilaaban doonta 1-da Janaayo 2026, iyadoo socon doonta ilaa dhammaadka sannadka 2027.



