Wasiirka Tamarta Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Madasha Tamarta ee Baku, Azerbaijan

0

BAKU, Azerbaijan – Wafdiga Dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Cabdullaahi Bidhaan, ayaa Talaadadii ka qaybgalay Madasha Tamarta ee magaalada Baku, Azerbaijan, taasoo looga hadlayay mustaqbalka warshadaha tamarta caalamka.

 

Madashan laba maalmood soconaysa ayaa isu keentay wakiillo ka socda dowlado, khubaro caalami ah, maal-gashadeyaal, iyo ganacsato, iyada oo diiradda lagu saarayey mowduucyo ay ka mid yihiin “Horumarinta Warshadaha Tamarta Waara,” “Dijitaleynta Sector-ka,” “Dardar-gelinta Mashaariicda Cagaaran,” iyo “Hirgelinta.”

Ka qaybgalka Soomaaliya ayaa muujinaya sida ay u sii xoojinayso dadaalkeeda ku aaddan horumarinta tamarta waarta iyo iskaashiga gobolka ee la xiriira arrimahan. Wasiirka Cabdullaahi Bidhaan ayaa tilmaamay fursadaha ballaaran ee tamarta dib loo cusboonaysiin karo sida qoraxda iyo dabaysha, isagoo sidoo kale xusay baahida loo qabo maal-gashi lagu sameeyo kaabayaasha iyo xalalka dijitalka ah si loo daboolo baahiyaha sii kordhaya ee tamarta.

Madashu waxay socon doontaa ilaa Arbacada, iyadoo ujeedadeedu tahay in la dhiirrigeliyo wada hadal iyo iskaashi caalami ah oo ku aaddan u gudbida nidaamyada tamarta nadiifka ah iyo kuwa adkaysiga leh.

Azerbaijan, oo ka mid ah wadamada hormuudka ka ah suuqa tamarta adduunka, ayaa martigelinaysa madashan iyadoo qayb ka ah istaraatiijiyadeeda guud ee hogaaminta dadaallada gobolka ee ku wajahan tamarta cagaaran iyo hal-abuurnimada dijitalka.

Soomaaliya ayaa sii xoojinaysa dadaalkeeda ku aaddan in ay ka faa’iideysato ilo tamareed dib loo cusboonaysiin karo sida qoraxda iyo dabaysha, isla markaana raadineysa iskaashi lagu dhisayo laguna casriyeynayo sector-ka tamarta oo burburay kadib dagaallo iyo dib-u-dhac maalgashi oo soo jiitamayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here