Diyaarad Helikopter ah oo ku Dhacday Deegaan ay Al-Shabaab Maamusho [Fahfaahin]

0

Shabeellada Dhexe – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaaraddii nooca kumaatiga u kaca ee helikopterka, oo ku dhacday deegaanka Maqdis, oo ku yaalla duleedka deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

 

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda lagu dhuftey hub xooggan oo ay Al-Shabaab leeyihiin, taasoo sababtay in diyaaradda ay dhacdo. Diyaaradda ayaa la sheegay inay saarnaayeen ilaa 3 xubnood oo ka tirsan howlgalka AUSSOM, kuwaas oo dhaawac ah isla markaana hadda gacanta Al-Shabaab ku jira.

Diyaaradan ayaa lagu tilmaamay inay ku sii jeeday saldhig milatari oo ku yaalla magaalada Jowhar, xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

Deegaanka Maqdis ayaa ku yaalla duleedka Xawaadleey, oo shalay si buuxda ula wareegay Al-Shabaab. Xawaadleey waxay ku taallaa qiyaastii 40 kiiloomitir u jirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Ka hor inta aysan Al-Shabaab la wareegin deegaanka Xawaadleey, waxaa la sheegay inay ciidamadii Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM iyo ciidamadii kale ee dowladda ay ka baxeen halkaas, kadib markii Al-Shabaab ay ku fureen biyaha wabiga Shabelle.

Xawaadleey ayaa ah deegaan istiraatiiji ah oo isku xidha magaalooyinka Muqdisho, Balcad, iyo Jowhar. Haddii Al-Shabaab si buuxda u xakameeyaan deegaankaas oo ay saldhigyo ka dhistaan, waxay adkaan doontaa in ciidanka dowladda iyo AUSSOM ay kala gooyaan xiriirka magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Diyaaradaha noocan oo kale ah ayaa dhowr jeer ku dhacay deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, taasoo dadka Soomaaliyeed ku dhalisay shaki weyn oo ku saabsan sida diyaaradahan ay u dhacaan meelaha ay kooxdaasi gacanta ku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here