Muqdisho, Soomaaliya – Saddex hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal wadajir ah oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda caalamiga ah, sida ay mas’uuliyiin sheegeen Axaddii.
Howlgalkan, oo si wadajir ah ay u qorsheeyeen una fuliyeen Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa ka dhacay deegaanka Ceelhareeri ee gobolka Hiiraan, bartamaha dalka, 6-dii Juun.
Mas’uuliyiintu ma aysan shaacin magacyada horjoogayaasha la dilay, balse waxay ku tilmaameen inay ahaayeen xubno muhiim ah oo ka tirsan hoggaanka kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.
“Howlgalkani waxa uu dharbaaxo culus ku yahay Khawaarijta, iyadoo aan sii wadeyno burburinta awooddooda hoggaamineed iyo qorsheynta weerarada,” ayuu yiri mas’uul amni oo u warramay Shabelle Medid Network isagoo codsaday in aan magaciisa la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda howlgalka.
Kooxda Al-Shabaab oo muddo ka badan toban sano dagaal ka waday gudaha Soomaaliya, ayaa weli fulisa weerarro dhimasho leh inkastoo culeyska milateri uu sii kordhay.
Dowladda Soomaaliya ayaa kordhisay howlgallada ka dhanka ah argagixisada bilihii la soo dhaafay, iyadoo ku dhawaaqday inay si buuxda uga sifayn doonto kooxdaasi deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.



