Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dilka Agaasimihii Dalxiiska ee Degmada Deyniile

0

MUQDISHO – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil habeen hore ka dhacay degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu dilay Agaasimihii Dalxiiska ee Degmada Deyniile, Marxuum Cabdalla Sheekh Ibraahim Jiisoow.

 

Dilka ayaa ka dhacay waaxda Halgan ee degmada Deyniile fiidkii Sabtidii, xilli uu marxuumku kusoo jeeday gurigiisa, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Kooxo hubeysan oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa la sheegay inay toogteen agaasimaha, kadibna ay ka qaateen moobilkii uu watay.

Ehelada Marxuumka ayaa dowladda ka codsaday in si degdeg ah loo helo caddaalad. Aabaha dhalay marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka dilka geystay lagu garan karo raadadkii ay ka tageen, islamarkaana xabbadihii lagu dilay wiilkiisa lagu helay fooqyo muhiim ah.

“Wiilkayga wuxuu ahaa qof shacabka u shaqeeya, waana la garanayaa kuwa dilay. Waxaan dowladda ka codsaneynaa in si degdeg ah gacanta loogu soo dhigo kuwii ka dambeeyay falkan foosha xun, si caddaalad loo helo,” ayuu yiri aabaha marxuumka.

Ma jirto wax war ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay laamaha ammaanka ee degmada ama gobolka, hase yeeshee dilka ayaa qayb ka noqonaya falal amni darro oo waayadan kusoo badanayay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here