BOOSAASO – Warbixin cusub oo ka soo baxday Machadka Daraasaadka Dagaalka (Institute for the Study of War) ayaa ka digaysa in kooxda Daacish ee Soomaaliya ay weli khatar ku tahay amniga Puntland, inkastoo ay sheegtay in kooxdaasi ay si weyn u wiiqantay kadib howlgallada ciidamada Puntland ee gobolka Bari.
Warbixintu waxay sheegtay in ISIS ay weli leedahay awood ay ku fuliyaan weerarro iyo inay dib u abaabulan karto haddii aan cadaadis joogto ah lagu saarin shabakadaha maaliyadeed iyo taageerada ee kooxda. Waxaa sidoo kale la xusay in Puntland ay wajahayso caqabado adag oo ay ka mid yihiin sugidda xeebaha baaxadda leh iyo buuraha halista ah ee gobolka.
Sida lagu sheegay warbixinta, haddii beesha caalamka iyo ciidamada gudaha aysan sii wadin dadaallada lagu xakameynayo ISIS, kooxda ayaa si dhaqso leh u soo kaban karta, taasoo khatar ku ah xasilloonida gobolka.
Puntland ayaa dhawaan mamnuucday soo-gelitaanka sharci-darrada ah ee ajaaniibta, si looga hortago qulqulka dagaalyahanada shisheeye ee ku biiraya ISIS. Ciidamada ammaanka Puntland ayaa sidoo kale howlgallo ka dhan ah muhaajiriinta aan sharciyeysneyn ka sameeyay magaalada Boosaaso iyo goobo kale, iyadoo lagu qab-qabtay boqolaal Itoobiyaan u badan.
Puntland ayaa ku hawlan howlgallo ballaaran oo lagu beegsanayo meelaha ugu dambeeyay ee ISS ee ku yaal buuraha Cal Miskaad ee gobolka Bari. Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay ku guuleysteen inay qabsadaan goobo muhiim ah oo ay ISS ku lahaayeen, iyagoo sidoo kale burburiyay hub iyo qalab ay kooxda isticmaali jirtay.
Si kastaba ha ahaatee, warbixintu waxay ku talineysaa in Puntland ay sii wado dadaallada lagu xakameynayo ISIS, iyadoo sidoo kale ka digaysa in haddii aan la helin qorshe istiraatiji ah oo cad, khatarta soo noqoshada kooxda ay weli taagan tahay.
Dagaalyahanada Xuutiyiinta Yemen ayaa la og yahay inay isticmaaleen waddooyinkaas si ay hub yar-yar ugu gudbiyaan Soomaaliya.
Ilaa hadda, dowladda Puntland si cad ugama aysan hadlin qorshe rasmi ah oo lagu ilaalinayo joogitaanka ciidamadeeda buuraha Cal Miskaad marka uu dhammaado weerarka ka dhanka ah kooxda ISIS, taasoo abuuraysa walaac ku saabsan in kooxda ay mar kale kasoo ifbaxdo dhulkaas buuraleyda ah.




