MOGADISHU — Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caano Nuug, oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa waraysi gaar ah siiyay Shabelle TV, isagoo ka hadlay waraaqdii dhawaan dowladda federaalku u dirtay beesha caalamka, taasoo ku saabsanayd codsi lagu doonayo in wax laga bedelo qaab-dhismeedka C6+, oo ah koox ka kooban dowladaha ajnabiga ee tan iyo 2010-kii ka shaqeynayay isku-duwida taageeradda Caalamka siiyo dalka.
“Dowladda hadda jirta waa inay ka fiirsataa fariinta ay u dirtay beesha caalamka, maadaama ay tahay mid aan ku habboonayn xilligan siyaasadeed ee dalka,” ayuu yiri xildhibaan Caano Nuug.
Hadalkan ayaa ku soo aaday xilli dhowaan baraha bulshada ay si weyn isu qabteen kadib markii la faafiyay warqad ay dowladda Soomaaliya u dirtay beesha caalamka.
Xildhibaanku wuxuu tilmaamay in arrintani ay uga sii darayso xaaladda cakiran ee siyaasadda Soomaaliya iyo welwelka laga qabo mustaqbalka geeddi-socodka doorashada.




