DOHA, Qatar, 16 Juun 2025 – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Mucalim Fiqi, ayaa maanta kulan rasmi ah ku yeeshay magaalada Doha Wasiirka Arrimaha Gaashaandhigga iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Qatar, Mudane Sheekh Saud bin Cabdilraaxmaan bin Xasan Al-Thaani, iyada oo qeyb ka ah booqasho shaqo oo uu ku joogo Qatar.
Labada wasiir ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca difaaca labada dal, kor loogu qaadi lahaa barnaamijyada dhismaha awoodda milatari, iyo sidii loo sahmin lahaa meelo istaraatiiji ah oo dan wadaag ah.
Wasiir Axmed Mucalim Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan xasilinta iyo amniga, sidoo kale waxa uu bogaadiyey kaalinta Qatar ka qaadato horumarinta iyo gargaarka bani’aadamnimada Soomaaliya.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa saraakiil sare oo ka socotay labada wasaaradood ee difaaca, wuxuuna sii adkeeyay xiriirka dhow ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar ee ku aaddan horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.




