Muqdisho, Juun 17, 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale ku baaqay in wada-hadal dhab ah lala yeesho mucaaradka, isaga oo sheegay in uu diyaar u yahay in uu la fariisto dhammaan siyaasiyiinta kale ee dalka, si loo xalliyo khilaafaadka la xiriira doorashooyinka iyo aayaha siyaasadeed ee dalka.
Isaga oo ka hadlayay furitaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, Madaxweyne Xasan ayaa si cad u sheegay in uusan doonayn is-maquunin siyaasadeed, balse uu yahay hogaamiye diyaar u ah in uu dhageysto aragtiyada ka imaanaya mucaaradka.
“Aniga oo ah madaxweynaha dalka, waxaan baryayaa mucaaradka si aan u wada fariisanno. Waqtiyadii hore, mucaaradka waxaa lagu beegsan jiray fikir ahaan, hadalkooda waa la caburin jiray, laakiin maanta, aniga ayaa rabay in aan la hadlo, anigaa u baryaya,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Hadalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu horey laba jeer ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka in ay ka qayb qaataan shirar looga hadlayo arrimaha doorashada, balse ay ka gaabsadeen, iyaga oo ku eedeeyay Madaxweynaha in uu isku koobay talada doorashooyinka, islamarkaana aysan jirin jawi lagu kalsoonaan karo oo lagu wada hadli karo.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in is-faham qaran iyo tanaasul siyaasadeed uu yahay waddada kaliya ee dalka uga bixi karo jahawareerka siyaasadeed ee jira.
Shirka Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa inuu socdo maalmo kale, waxaana diiradda lagu saaraya qodobo muhiim ah sida doorashooyinka, dastuurka, iyo dib u dhiska hay’adaha dowladeed.
Inkasta oo mucaaradku aanay weli si rasmi ah u aqbalin casuumaadda Madaxweynaha, hadalkiisa cusub ayaa loo arkaa mid muujinaya dadaal uu ku doonayo inuu xaliyo xiisadaha siyaasadeed ee taagan.



