Muqdisho, Juun 17, 2025 – Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, Cali Xoosh, ayaa si kulul uga jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, oo ku tilmaamay Gogosha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socota “shir madhalays ah oo aan wax natiijo ah laga filan karin”.
Wasiirka ayaa sheegay in hadallada ka imanaya madaxda aan ka soo qeyb galin shirkan ay yihiin kuwo carqaladeynaya dadaallada lagu doonayo in lagu hagaajiyo hannaanka dowladnimo iyo doorashooyinka dalka.
“Cidda diidaysa in ay kasoo qaybgasho gogosha Madaxweynaha uu dhigay waa cid aan rabin horumar iyo horusocod. Waxay ka caga jiidayaan inay miiska wada hadalka soo fariistaan,” ayuu yiri Wasiir Xoosh.
Hadalka wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli inta badan siyaasiyiinta mucaaradka, iyo sidoo kale madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, aysan ka soo qayb galin Gogosha Wadatashiga oo shalay si rasmi ah uga furantay magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Deni ayaa horey u sheegay in shirka uu yahay mid “aan loo dhamayn”, sidaas darteedna aysan Puntland u arag fursad dhab ah oo lagu gaari karo is afgarad qaran.
Si kastaba, dowladda federaalka ayaa ku adkeysanaysa in shirka uu yahay mid muhiim u ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka ka taagan hannaanka doorashooyinka iyo dib-u-eegista dastuurka.




