Boosaaso, Puntland – Ciidamada difaaca Puntland ayaa si guul ah gacanta ugu dhigay godadkii ugu dambeeyay ee maleeshiyaadka Daacish kaga dhuumanayeen togga Baallade ee Buuraleyda Calmiskaad, gobolka Bari.
Howlgal xooggan oo ay ciidamadu ka soo galeen jihooyin kala duwan ayaa lagu qabsaday dhammaan ceelashii iyo goobihii ay ku haray firxadkii maleeshiyaadka Daacish ee ka baxsaday togga Miraale, sida ay shaaciyeen masuuliyiinta Dowladd-goboleedka Puntland.
Ilo wareedyo amni oo ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ay weli ku raad-joogaan tiro yar oo ka tirsan firxadkii Daacish, kuwaas oo haatan ku dhuumanaya hareeraha deegaanka, iyaga oo ka fiirsanaya howlgalka xooggan ee ciidamada Puntland ay ku qabteen togga Baallade.
Ciidamada Puntland ayaa ku howlan sugidda ammaanka iyo baacsiga xubnaha haray ee maleeshiyaadka si looga hortago inay mar kale abaabulaan weeraro.




