Axmed Maclin Fiqi oo booqasho rasmi ah ku tagay Machadka Milateri ee Axmed Bin Maxamed ee Qatar

0

DOHA, Qatar – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Maxamed Fiqi, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Machadka Milateri ee Axmed Bin Maxamed ee Qatar, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay Taliyaha Machadka, Brig. Gen. Cali Maxamed Fadlaal.

 

Intii uu joogay machadka, Wasiirku wuxuu ku wareystay goobaha tababarka, fasallada waxbarashada, xarumaha farsamada casriga ah, iyo waaxaha maamulka.

Waxa uu sidoo kale la kulmay saraakiisha dhalinyarada ah ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee hadda ku sugan machadka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay ka faa’iidaystaan fursadda waxbarasho ee la siiyay.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee ay saraakiishani ka ciyaari doonaan dib-u-dhiska ciidamada qalabka sida iyo sugidda amniga dalka, isagoo ku boorriyay inay aqoontooda iyo xirfadaha ay baranayaan ku adeegaan dalkooda marka ay soo laabtaan.

Booqashadan ayaa sidoo kale ahayd fursad lagu xoojiyay xiriirka iskaashi ee dhinaca militariga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo labada dhinac ay isla garteen inay sii wadi doonaan wada shaqeynta dhanka tababarka, awood-siinta ciidamada, iyo dadaallada lagu taageerayo xasiloonida gobolka iyo amniga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here