Agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha ee Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Ka Badbaaday Isku Day Dil

0

MUQDISHO, SOOMAALIYA: Agaasimaha Warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha ee Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdimaliik Cali Cismaan, ayaa si dirqi ah kaga badbaaday isku day dil oo ay fuliyeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

 

Weerarkan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho xalay oo ku beegneyd 26 Febraayo 2024 – abaare 10:00 fiidnimo, xilli uu ku sii jeeday gurigiisa. Dabley hubeysan oo bistoolado watay ayaa isku dayay inay dilaan, balse nasiib wanaag, lama gaarsiin waxyeello jireed. Si kastaba ha ahaatee, Cabdimaliik ayaa sheegay inuu si weyn uga naxay dhacdadan.

Isagoo la hadlayey TV-ga Shabbeele, ayuu sheegay inuu muddooyinkii dambe helayey hanjabaado telefoon oo uga imaanayey kooxaha argagixisada.

“Waxaan u mahadcelinayaa Ilaahaygii ibadbaadiyay. Waxaan sii wadi doonaa shaqadayda si aan dalkayga uga shaqeeyo,” ayuu yiri.

Weerarkan ayaa mar kale muujinaya caqabadaha amni ee weli ka jira Soomaaliya. Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa si joogto ah u bartilmaameedsata mas’uuliyiinta dowladda, weriyayaasha iyo shacabka.

Shaqaalaha dowladda ayaa mar kasta ah bartilmaameedyo sahlan lagu beegsada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay weli la daalaa-dhacayso dhisidda hay’ado amni oo awood leh oo si buuxda u difaaca muwaadiniinta iyo shaqaalaha dowliga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here