Wasaaradda Arrimaha Dibadda: Dhammaan xubnihii wafdigii Shirkii ILO dalka ayay ku soo laabteen

0

MUQDISHO – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa si cad u xaqiijisay in dhammaan xubnaha wafdiga rasmiga ah ee ka socday Soomaaliya ee ka qeyb galay Kalfadhigii 113-aad ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Shaqaalaha ee ka dhacay magaalada Geneva ay si buuxda ugu soo laabteen dalka, iyagoo gudatay waajibaadkoodii qaran.

 

War-Saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in xubnuhu ay dalka ugu soo laabteen si waafaqsan howlgalka loo xilsaaray, isla markaana aysan jirin wararka ku saabsan inay qaar kamid ah xubnaha ay goosteen, taasoo ah war aan sal iyo raad lahayn.

Wasaaraddu waxay sidoo kale xustay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in ay sii xoojiso wada-shaqeynta caalamiga ah iyo ka qeybqaadashada arrimaha shaqaalaha ee heer caalami.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here