Tirada Macawiisleyda Isku Dhiibeysa Al-Shabaab oo Sii Kordhaysa Shabeellada Dhexe

0

JOWHAR – Waxaa si weyn u kordhaya tirada xubnaha kooxda Macawiisleyda ee isku dhiibaya Alshabaab, kuwaas oo ku sugan qeybo kamid ah gobolka Shabeellada Dhexe, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo laga helayo gobolka.

 

Wararka ayaa tilmaamaya in tobaneeyo Macawiisley ah oo deegaanka ka soo jeeda ay si toos ah u galeen gacanta Alshabaab. Maleeshiyaadkan ayaa horey uga dagaalamayay deegaanada Xawaadleey oo dhawaan ay ka baxeen ciidamadii Ausam ee halkaasi kusugnaa sanado badan.

Sida la sheegay, Macawiisleydan ayaa markii hore taageero ka helayay ciidamada Burundi ee saldhiga ku lahaa Xawaadleey, balse markii ciidamadiiasi ka baxeen, kooxdu waxay wajahday taageero la’aan dhinaca saadka, taas oo keentay in ay u fududaato in ay isku dhiibaan Alshabaab.

Afhayeen u hadlay Macawiisleyda ayaa horay xaqiijiyay in in ka badan 20 xubnood ay isu dhiibeen Alshabaab. Odayaasha deegaanka ayaa sidoo kale ka shaqeynaya sidii loo fududeyn lahaa heshiiskan, iyaga oo labada dhinac kala dhex-marayey wadaxaajood ku saabsan arrintan.

Marka xubnaha Macawiisleyda ay isku dhiibaan Alshabaab, waxaa laga qaadayaa hubkooda, waxaana la gelayaa gacanta kooxda Alshabaab. Xubnahani ayaa muddo dheer ku sugnaa deegaanka Xawaadleey iyo deegaanada ku xeeran, halkaas oo ay dagaal kula jireen kooxo kale.

Deegaanka Xawaadleey ayaa dhowaan isaga baxay ciidamadii kusugnaa kadib markii wabiga uu fatahay, taasoo suuragelisay in Alshabaab ay si buuxda ula wareegaan deegaankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here