Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo Lagu Dilay Howlgal Gaar ah oo ka dhacay Degmada Aadan Yabaal

0

Muqdisho, Soomaaliya – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka, ayaa si guul leh u fuliyay howlgal gaar ah oo lagu beegsaday guri istaraatiiji ah oo ku yaalla degmada Aadan Yabaal, ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

 

Howlgalkaas ayaa lagu dilay ilaa 12 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan horjoogayaal sare oo kooxdu dhibaato badan u geystay shacabka Soomaaliyeed.

Guriga la beegsaday ayaa ahaa xarun muhiim ah oo Al-Shabaab ku uruurin jireen saanad ciidan, isla markaana ay ka abaabuli jireen maleeshiyaadkooda. Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa burburiyay gaadiid dagaal, hub farabadan, iyo saanado kale oo muhiim u ahaa kooxda.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in magacyada horjoogayaasha la dilay lagu shaacin doono marka si rasmi ah loo xaqiijiyo. Dowladdu waxay ku adkeysatay inay ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab iyada oo kaashanaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka, iyagoo cadeeyay in horjoogayaasha Al-Shabaab aysan meel kale ku baxsan karin.

Howlgalkan ayaa ah mid ka mid ah tallaabooyinka cusub ee dowladda Soomaaliya ku xoojinayso la dagaalanka argagixisada, iyadoo dadaal dheeri ah lagu bixinayo sidii dalka looga ciribtiri lahaa kooxaha hubeysan ee khatarta ku haya nabadda iyo amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here