Hargeysa, Soomaaliya – Maanta oo Sabti ah ayaa si rasmi ah imtixaanka shahaadiga ah ee sanadka dugsiyeedka 2024–2025 uga billowday guud ahaan gobollada iyo degmooyinka maamulka Somaliland, sida uu shaaciyey Xafiiska Imtixaanaadka & Shahaado Bixinta.
Tirada guud ee ardayda u fariisatay imtixaankan sanadkan ayaa gaareysa 40,749 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho. Ardaydan ayaa u kala fadhiisanaya saddex heer oo kala duwan:
- Dugsiga Sare (Form Four): 15,696 arday
- Dugsiga Dhexe (Intermediate Grade 8): 24,836 arday
- Farsamada Gacanta (Secondary Technical): 217 arday
Imtixaanka ayaa lagu galayaa 304 goobood oo ku yaalla dhammaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland, iyadoo si weyn loo adkeeyey amniga iyo hab-raaca imtixaanka, si uu u dhaco si hufan oo xasiloon.
Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaado Bixinta ayaa farriin dhiirrigelin ah u diray dhammaan ardayda, isagoo u rajeeyey guul iyo horumar. Waxa kale oo la xusay in la diyaariyey guddi kormeero oo sugi doona tayada iyo hufnaanta imtixaanka inta uu socdo.
Tani waa tallaabo muhiim u ah horumarinta tacliinta Somaliland, iyadoo san walba ay kordhayaan tirada ardayda ka qaybgalaysa imtixaanaadka shahaadiga ah.
Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu tayeynayo nidaamka waxbarashada.




