Ciidanka Xoogga Dalka oo Dib ula wareegay Sabiid iyo Caanoole

0

Sabiid, Juun 21 — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul weyn ka gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib markii ay si buuxda ula wareegeen deegaannada muhiimka ah ee Sabiid iyo Caanoole, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Howlgal qorsheysan oo si xeeladeysan loo fuliyay ayaa lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab, waxaana lagu qasbay inay ka cararaan goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen, iyagoo isaga tagay agabkoodii dagaal.

Taliyaha Guutada 7-aad ee Qeybta 12-aad, G/sare Axmed Gaashaan, ayaa sheegay in guushan ay muujineyso dadaalka joogtada ah ee ciidamadu ugu jiraan sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxaha hubeysan ee caqabadda ku ah nabadda iyo horumarka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa haatan baaritaano ka wada deegaannadii laga saaray Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo in laga hortago khatar kasta oo carqaladeyn karta xasilloonida iyo nolasha dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here