22 Eedeysane oo Loo Qabtay Kiis Kufsiga Laba Gabdhood oo Ka Dhacay Laascaanood

0

LAASCAANOOD, Soomaaliya – Kadib dhacdo murugo leh oo dhowaan ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo la sheegay in laba gabdhood lagu kufsaday, ayaa maamulka SSC-Khaatumo sheegay in ugu yaraan 22 wiil loo soo qabtay falkaasi, iyadoo lagu eedeeyay inay ka qayb qaateen kufsiga oo la sheegay inay geysteen ku dhowaad 30 wiil.

 

Madaxweynaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdikariim Sheekh Firdhiye, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baarayaal caalami ah laga keenay magaalada Muqdisho si ay u baaraan kiiskan culus ee kufsiga. Wuxuu xusay in maamulka uu go’aansaday in sharciga la hor keeno dhammaan eedeysanayaasha, islamarkaana kuwa dambiga lagu helo ay wajihi doonaan ciqaab adag.

“Ma jiro cid dambigaas ka baxsan doonta. Caddaalad ayaa la marsiin doonaa. Cid kasta oo lagu helo dambigaas foosha xun waxay mari doontaa xukun adag,” ayuu yiri Firdhiye.

Waxaa la filayaa in maanta maxkamad lagu bilaabo raggaasi eedeysanayaasha ah, waxaana laga sugayaa go’aamo adag oo tusaale u noqon kara falalka noocan oo kale ah.

Falalka kufsiga ah ayaa si xowli ah ugu soo badanaya guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo geysto gabdhaha yar yar. Xaaladaha qaar, kufsiga waxaa lala xiriiriyaa dilal, iyadoo aysan jirin nidaam cadaaladeed oo hufan oo lagu xukumo dambiilayaasha falalkaas geysta.

Dadka deegaanka iyo hay’adaha u dooda xuquuqda haweenka ayaa si weyn u cambaareeyay dhacdada Laascaanood, iyagoo ugu baaqay dowladda federaalka iyo maamullada goboleedyada in la xoojiyo sharciyada lagula dagaallamayo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here