Miira-Cowleed, Galgaduud – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Miira-Cowleed ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in nin dhallinyaro ah, oo asal ahaan ka soo jeeda deegaannada Koofur Galbeed, lagu dilay meel aan ka fogeyn deegaankaasi.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, ninkan ayaa hore loogu eedeeyay falal kufsi iyo jirdil isugu jira oo uu kula kacay haween deegaanka, taasoo dhalisay caro xooggan oo ka dhex dhalatay bulshada deegaanka, sida ay wararku sheegayaan.
Ciidamada booliska ee saldhigga magaalada Cadaado ayaa si deg-deg ah uga falceliyay dhacdada, waxayna gacanta ku dhigeen eedeysane lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay dilkaasi. Boolisku waxay sheegeen inay wadaan baaritaan rasmi ah oo ku saabsan dhacdadaasi, isla markaana ay si dhow ula socdaan xaaladda.
Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dadka reer miyiga ah, gaar ahaan kuwa loo yaqaan “geel-raacayaasha”, kuwaas oo xoolaha u dhaqda qoysaska deegaanka.
Booliska Cadaado ayaa intaa ku daray in marka uu dhamaado baaritaanka socda ay warbaahinta la wadaagi doonaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kiiskan.
Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.



