Ciidanka NISA oo Howlgal Guul leh ka Fuliyey Gobolka Hiiraan

0

MUQDISHO – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa maanta war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay guul ka gaartay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay deegaanka Mabaax, gaar ahaan Isgoyska Gaycad ee gobolka Hiiraan.

 

Howlgalkan oo dhacay saacadihii la soo dhaafay ayaa lagu bartilmaameedsaday koox ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo halkaasi isku uruursanaysay, iyaga oo qorsheynayay weeraro ka dhan ah degmooyin ku yaalla gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, ciidamada NISA waxay ku dileen 13 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jireen horjoogeyaal horey loogu beegsaday isla deegaankaasi. Intaa waxaa dheer in la burburiyay hub iyo agab ciidan oo ay wateen kooxdii halkaasi ku sugneyd.

Howlgalka ayaa loo fuliyay si taxaddar leh oo laba waji lahaa, waxaana lagu guuleystay in meesha laga saaro khatartii ay kooxahaasi ku hayeen shacabka ku nool gobolka iyo deegaannada ku dhow.

Ugu dambeyn, Hay’adda NISA ayaa adkeysay in ay ka go’an tahay in ay si joogto ah u beegsato kooxaha argagixisada meel kasta oo ay isku uruursadaan ama qorsheynayaan falal amni darro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here