Amar adag la dul dhigay ganacsatada Boosaaso, Puntland

0

BOOSAASO, Soomaaliya –  Guddoomiyaha magaalada Boosaaso, Mudane Cabdifitaax Maxamed Cismaan, ayaa awaamiir culus kusoo rogay ganacsatada ku sugan Boosaaso, isagoo ku wargeliyay inay bixin doonaan dhaqaale loogu talagalay taageerada ciidamada difaaca Puntland ee dagaalka kula jira kooxda argagixisada ah ee Daacish.

 

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shirkad ama xarun ganacsi oo ka gaabiso bixinta lacagtaasi aysan sii shaqeyn doonin gudaha magaalada Boosaaso, isagoo xusay in la xiri doono goobaha ganacsi ee amarkaasi ka dhega adeegta.

“Ganacsade kasta oo diida in uu ka qeyb qaato taageerada ciidamadeenna, si cad uma sii shaqeyn doono magaalada. Haddii loo baahdana, waa laga rari doonaa. Bulshada kale ee amarradaasi jebisa, tallaabo sharci ah ayaan ka qaadi doonaa,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Puntland ay wajahday wajigii afaraad ee dagaal ballaaran oo ka dhan ah kooxda Daacish, kaasoo lagu sifeynayo mid ka mid ah howlgaladii ugu culus. Ciidamada Puntland ayaa la wareegay xarumo istiraatiiji ah oo kooxdaasi ku lahayd buuraleyda gobolka Bari.

Maamulka Puntland ayaa horey u sheegay in taageero dhaqaale oo joogto ah ay lagama maarmaan u tahay guusha dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ku dhuumaaleysanaya gobollada buuraleyda ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here