Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbaddiisa sanadlaha ah uga jeediyay shacabka Soomaaliyeed xuska 26-ka Juun, oo ah maalinta xornimada Gobollada Waqooyi, isagoo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda midnimada, is-afgaradka, iyo heshiis bulsho.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in midnimada dalka aysan ahayn aragti siyaasadeed oo keli ah, balse ay tahay arrin dastuuri ah oo taabanaysa jiritaanka iyo masiirka ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu ku baaqay in la xoojiyo wadajirka, isu-tanaasulka, iyo wadahadalka qaran, si loo gaaro nabad waarta iyo horumar dhan walba leh.
“Kala duwanaanshaha fikirka waa la aqbali karaa, laakiin kala fogaanshuhu ma horseedo xal. Wadahadal iyo is-qancin ayaa ah jidka keliya ee wax lagu dhisayo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka ah in ay miiska wadahadalka kusoo laabtaan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa si gaar ah u sheegay in la dib u bilaabi doono wadahadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland, si xal waara looga gaaro tabashada ay qabaan Gobollada Waqooyi, taasoo uu ku tilmaamay mid u baahan dulqaad, daacadnimo, iyo isu-faham dhab ah.
Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay uu Madaxtooyada ku qaabilay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kuwaasoo ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wadahadallo ku saabsan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka, si loo dhammeeyo khilaafaadka siyaasadeed ee haatan jira.
Xuska 26-ka Juun ayaa sanad walba loo dabbaaldegaa si loo xuso maalintii ay Gobollada Waqooyi (British Somaliland) xorriyaddooda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska sanadkii 1960, taasoo horseedday midowgii taariikhiga ahaa ee ay la galeen Gobollada Koonfureed 1-dii Luulyo ee isla sanadkaas.



