Masaajid Cali Gaduud, Juun 26, 2025 – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa wada howlgallo milatari oo ballaaran oo ka socda deegaanno hoostaga gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan agagaarka Masaajid Cali Gaduud, halkaas oo ciidamada dowladda ay dhawaan la wareegeen gacan ku haynteeda.
Howlgalladan oo ah kuwo qorshaysan ayaa ka socda tuulooyin ay hore u maamulayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, iyadoo la xaqiijiyay in ciidamada ay gaareen deegaanka Towfiiq iyo goobo kale oo muhiim ah. Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay arkeen ciidamo si buuxda u hubeysan oo kusii qulqulaya deegaanno hor leh oo dhowr ah, iyagoo ka sii tallaabaya Masaajid Cali Gaduud.
Degmada Masaajid Cali Gaduud, oo dhowr bilood kahor la wareegeen dagaalyahano Al-Shabaab ah, ayaa haatan si buuxda gacanta ugu jirta ciidamada dowladda, kadib markii dagaal culus looga saaray kooxda Al-Shabaab. Ciidamada Xoogga Dalka ayaa gudaha degmada ka sameeyay howlgallo miino baaris ah, si loo xaqiijiyo amniga iyo in la furo waddooyinka muhiimka ah ee isku xira tuulooyinka gobolka.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab guud ahaan dalka, gaar ahaan gobollada dhexe ee Hirshabeelle. Dowladda ayaa intaa ku dartay in howlgalka uu isugu jiro dagaal fool-ka-fool ah iyo duqeymo dhinaca cirka ah, kuwaasoo lagu beegsanayo saldhigyada iyo fariisimada Al-Shabaab.
Wararka ka imaanaya deegaanka ayaa muujinaya in kooxda Al-Shabaab ay ka baxeen deegaano dhowr ah, iyadoo la rumeysan yahay in ay u jiheysteen dhanka Koonfurta gobolka ama ay ku dhuumaaleysanayaan dhulka miyiga ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celcelisay go’aankeeda ah in aysan joojin doonin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa laga xoreeyo dhamaan deegaannada ay weli ku sugan yihiin.



