Muqdisho — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga jawaabtay eedeymaha uga imaanayay mucaaradka gaar ahaan kuwa kooxda Samatabixinta oo dhowr jeer ku celceliyay in la burburiyay ciidankii qaranka ee loogu talagalay difaaca dalka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho ku tagay xerada ciidanka Gorgor ee magaalada Muqdisho, ayaa halkaas kula hadlay boqolaal askari oo ka tirsan xoogga dalka. Wasiir Fiqi ayaa ciidamada ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Isagoo ka jawaabaya hadalladii mucaaradka, Wasiir Fiqi wuxuu sheegay in sheegashada ah in la burburiyay ciidankii qaranka iyo in ciidamada lagu laayay furimaha dagaalka ay yihiin “mala-awaal siyaasadeed” oo looga gol leeyahay in lagu sumcad dilo hogaanka ciidamada iyo dowladda dhexe.
“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuu dhisan yahay, wuu tababaran yahay, wuxuuna diyaar u yahay difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca.
Fiqi wuxuu intaas ku daray in kuwa hadalladan fidinaya ay yihiin “cadowga horumarka iyo dib u dhiska ciidamada qaranka”, isagoo carabka ku adkeeyay in dowladda ay ka go’an tahay xoojinta awoodda milateri ee dalka.
Hadalkan ayaa imanaya xilli mucaaradka, gaar ahaan kooxda Samatabixinta, ay si isdaba joog ah u dhaliilayeen sida ay dowladda u maareyneyso amniga iyo xaaladda ciidamada, iyagoo ku eedeeyay inay dayaceen ciidankii qaranka.
Warbixintan waxay muujinaysaa inuu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, iyadoo labada dhinacba ay u muuqdaan kuwo aan u dulqaadan karin eedeymaha la isku jeedinayo.




