Puntland Oo Beenisay In Imaaraadku Gantaallo Ku Rakibayo Garoonka Iyo Dekedda Boosaaso

0

Boosaaso, Soomaaliya – Maamulka Puntland ayaa si adag u beeniyey warar dhawaanahan soo ifbaxay oo sheegayay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay qorsheyneyso inay nidaamyo raad-raac gantaallo iyo kuwo ka hortagga weerarada cirka ah ku rakibto garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

 

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, oo hortegay Baarlamaanka Puntland, ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid “been abuur ah” oo laga soo abaabulay sida uu tilmaamay, xafiisyo iyo shaqsiyaad mucaarad ah oo uu ku eedeeyay inay adeegsaneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

“Waa been ay faafiyeen dad si cad u diidan jiritaanka iyo horumarka Puntland,” ayuu yiri Wasiir Dirir. “Waxaa la isku dayayaa in la carqaladeeyo xiriirka Puntland iyo saaxiibadeeda caalamiga ah, gaar ahaan Dowladda Imaaraadka.”

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Puntland lagu hayo “borobogaando joogto ah iyo warar been abuur ah” oo uu sheegay in ay qeyb ka tahay qorshe siyaasadeed oo looga gol leeyahay in lagu wiiqo sumcadda iyo madax-bannaanida maamulka Puntland.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan wararka ku saabsan loolan siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan Puntland oo dhowr jeer oo hore ku eedeysay Villa Soomaaliya faragelin toos ah.

Imaaraadka Carabta, oo xiriir dhow la leh Puntland, weli kama uusan hadlin wararka la xiriira suurtagalnimada in qalab militari lagu rakibo xarumaha muhiimka ah ee Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here