Deni oo lagu eedeeyay inuu hor istaagey horumarka kaabayaasha dhaqaalaha gobolka Mudug

0

Gaalkacyo – Tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa waxaa soo baxayay eedeymo isa soo taraya oo ku saabsan in uu carqaladeeyay horumarka kaabayaal dhaqaale oo laga hirgelin lahaa gobolka Mudug, sida uu sheegay la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan dimuqraadiyadda, Axmed Cilal.

 

Wareysi uu siiyay idaacadda Shabelle, Cilal ayaa tilmaamay in gobolka Mudug uu yahay “udub dhexaadka isdhexgalka gobollada dhexe iyo waqooyiga Soomaaliya,” balse uu nidaamka Madaxweyne Deni ka dhigay mid la takooray oo aan helin mashaariicda dowladda Federaalka ay qorsheynaysay in laga fuliyo halkaas.

“Waxaa jiray mashaariic muhiim ah sida dhismaha garoon diyaaradeed oo caalami ah iyo horumarinta Dekedda Garacad, kuwaas oo Puntland ka imaanayay ama lagu kaabayo dhaqaalaha gobolka, laakiin Madaxweyne Deni ayaa is hortaag ku sameeyay,” ayuu yiri Cilal.

Sidoo kale, Cilal wuxuu xusay in adeegyada dowladda Federaalka ee loogu talagalay bulshada ku nool Mudug uu Deni si gaar ah u hor istaagay, taas oo uu ku tilmaamay “nidaam qabiil ku dhisan oo aan u roonayn danta guud.”

Madaxweyne Deni oo markiisii labaad xilka haya ayaa wajahaya cadaadis siyaasadeed oo uga imanaya mucaaradka gudaha Puntland, kuwaas oo si weyn u dhaliilaya qaabka maamulka iyo sida loo wajahayo arrimaha horumarka iyo wadajirka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here