Cabsi Dagaal oo Weli Ka Taagan Magaalada Caabudwaaq 

0

Caabudwaaq, Galgaduud – Waxaa saakay weli ka jirta cabsi dagaal oo ka taagan magaalada Caabudwaaq kadib dagaal culus oo maalintii shalay dhexmaray ciidamada Booliiska Galmudug iyo maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay inay taageero ka helayaan milkiilayaasha hoteello ku yaalla agagaarka saldhigga Booliiska Galmudug.

 

Dagaalkii shalay dhacay ayaa sababay dhimashada in ka badan 10 qof, halka dhaawacuna uu kor u dhaafay tiradaas, sida ay xaqiijinayaan ilo deegaanka ah. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in rasaasta iyo qalalaasaha ka dhashay iska horimaadkaasi ay cabsi badan ku abuureen shacabka magaalada.

Maamulka Galmudug oo la hadlay warbaahinta Shabelle ayaa ku eedeeyay maleeshiyaadka inay caqabad ku yihiin hawlgalka ballaarinta saldhigga booliiska ee Caabudwaaq, taasoo keentay iska horimaadkii rabshadaha watay.

Illaa iyo hadda ma jiraan dadaallo muuqda oo lagu kala qaaday maleeshiyaadka iyo ciidanka booliiska, waxaana la sheegayaa in labada dhinac ay weli isku horfadhiyaan gudaha magaalada, taasoo sii hurin karta halista dagaal kale.

Shacabka Caabudwaaq ayaa dalbanaya in si deg-deg ah loo soo afjaro xiisadda oo loo helo xal siyaasadeed iyo mid amni oo waara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here