Sacuudiga oo dil ku fuliyay saddex Soomaali ah

0

RIYADH – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa maanta soo saartay bayaan rasmi ah oo lagu shaaciyay fulinta xukun dil ah oo lagu fuliyay saddex qof oo Soomaali ah, kuwaasoo lagu helay dambiga ah ka ganacsiga iyo tahriibinta maandooriyaha xashiishka.

 

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu xusay in dadka la xukumay ay kala yihiin:

Ershad Cali Muuse Caraale,
Ziyaad Faariq Jaamac Cumar,
Ibraahim Cabdi Warsame Jaamac — dhamaantood kasoo jeeda Soomaaliya.

Xukunka dilka ayaa si rasmi ah loogu fuliyay saddexdaas nin Soomaali ah maalintii Arbaco 29 Dhu’l-Xijjah 1446H, oo ku beegan 25 Juun 2025, gudaha gobolka Najran.

Saddexda dhalinyarada ah ayaa ka mid ahaa 45 maxaabiis Soomaali ah oo dawladda Sucuudigu ay hore ugu xukuntay dil, ka dib markii lagu helay in ay waddanka Sucuudiga soo galiyeen Mukhaadaraad.

Sida lagu sheegay bayaanka, ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay in ay qabtaan eedeysanayaasha, waxaana baaritaannadii la sameeyay kadib si rasmi ah loogu riday xukun dil ah.

Sacuudiga ayaa waxaa u yaalla sharci dhigaya in qofkii lagu helo isagoo dalka daroogo soo gelinaya lagu fuliyo xukun daldalaad ah oo aan ka noqosho laheyn, iyadoo horeyn xukunkaas loogu fuliyey dad fara badan oo dembigaas lagu helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here