Ciidamada Jubaland oo Alshabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo katirsan Jubada Hoose

0

Ciidamada Dowladda Jubaland oo kaashanaya Kumaandooska Danab ee ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal ballaaran oo xooggan ka fuliyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose, halkaas oo ay ka saareen kooxda Alshabaab.

 

Howlgalka ayaa ahaa mid qorsheysan oo ciidamada ay ku beegsadeen fariisimo ay Alshabaab ku lahaayeen dhul howd ah, waxaana la sheegay in ay dhaceen dagaallo toos ah oo ay ciidamada la galeen xubno ka tirsan Alshabaab. Sida ay sheegayaan saraakiisha howlgalka hoggaaminayay, dagaalka ayaa socday saacado badan iyadoo ay jiraan iska caabin xooggan oo ay sameeyeen dagaalyahanada Alshabaab.

Muqaalo lasoo bandhigay oo laga duubay goobaha la weeraray ayaa muujinaya godad ay ku dhuumaaleysanayeen Alshabaab, kuwaas oo ay ciidamada dul taagan yihiin iyagoo soo saaraya hub iyo agabyo kale oo ay kooxda isticmaaleysay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war kasoo saartay howlgalka ayaa sheegtay in ugu yaraan 19 dagaalyahan oo ka tirsan Alshabaab lagu dilay deegaan lagu magacaabo **Baqooqaha**, oo ku yaalla galbeedka Buula Xaaji, qiyaastii 13km u jirta. Warka dowladda ayaa sidoo kale xaqiijiyay geerida laba askari iyo dhaawaca shan kale oo ka mid ah ciidamada Dowladda Jubaland iyo Danab.

Mas’uuliyiinta Jubaland ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab ilaa laga xaqiijinayo nabadgelyo buuxda oo ka hanaqaada guud ahaan Jubada Hoose.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here