AUSSOM Oo War Kasoo Saartay Shilka Diyaaradeed Ee Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

0

Muqdisho – Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa war rasmi ah kasoo saaray shilka diyaarad qumaatiga u kacda oo Arbacadii ka dhacay garoonka caalamiga ah ee Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeedka AUSSOM ayaa lagu sheegay in diyaaradda, oo ay hawlgelineysay qaybta ciidamada Uganda ee UPDF kana tirsan AUSSOM, ay si degdeg ah ugu soo degtay abaare 7:30 subaxnimo xilli ay kusoo jeeday garoonka Muqdisho, iyadoo kasoo duushay saldhigga ciidanka ee Baledogle.

Saddex ka mid ah siddeedii qof ee saarnaa diyaaradda ayaa si degdeg ah loo badbaadiyey, waxaana la geeyay isbitaalka heerka labaad ee AUSSOM ee Muqdisho si loogu helo daryeel caafimaad.

Hawlgal gurmad iyo samatabbixin ah ayaa wali socda si loo soo helo xubnaha kale ee diyaaradda saarnaa.

Dhanka kale, hay’adaha duulista hawada ee Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaanno si loo ogaado sababta dhabta ah ee keentay shilka.

AUSSOM ayaa tacsi u dirtay ehelada dadka wax ku noqday shilka waxayna xaqiijisay inay si buuxda ula shaqeyn doonto hay’adaha baaritaanka si loo helo xog dhameystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here