Madaxweynaha Soomaaliya oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran

0

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta markale kulan muhiim ah ku qabtay Madaxtooyada Qaranka, isaga oo sii wada kulamada Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu horay uga furay magaalada Muqdisho.

 

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo horey xilal u soo qabtay dalka, kuwaas oo ay kamid yihiin Madaxweyne hore, Ra’iisul Wasaareyaal hore, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo xilal sare soo qabtay.

Kulanka maanta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray ajandayaashii horay looga heshiiyay, kuwaas oo ay kamid yihiin:

  • Dhameystirka hannaanka dib-u-eegista dastuurka dalka,
  • Hirgelinta hannaan doorashooyin toos ah oo dalka ka dhaca,
  • Iyo sidii loo mideyn lahaa dadaallada qaran ee lagu ciribtirayo argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo wajaho arrimaha horyaalla dalka, isagoo sheegay in midnimada iyo wadatashiga ay fure u yihiin horumar waara iyo nabadgelyo loo helo Soomaaliya.

Gogosha Wadatashiga Qaran ayaa ah dadaal ballaaran oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hormuud u yahay, kaas oo lagu doonayo in laga dhabeeyo is-afgarad siyaasadeed oo sal adag u noqda dowlad-dhisidda iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here