Xamsa oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor [Sawirro]

0

Muqdisho — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyada Tababbarka Ciidamada ee Turkiga (TurkSom).

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, ay ku howlan tahay dhismaha ciidan Qaran oo loo dhamaystiray aqoon iyo hoggaamin wanaagsan, si loo xaqiijiyo himilada dowladnimada, taas oo ay saldhig u tahay dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in difaaca dalka iyo xoreyntiisa ay tahay mudnaanta kowaad ee uu leeyahay ciidanku, sidaas darteed Askariga Soomaaliyeed uu leeyahay karaamo iyo mudnaan gaar ah.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay laf-dhabar u yihiin dowladnimo xooggan oo isku filan, sidaasi darteed waa in aad qaadaan masuuliyadeeda, waxa aad u diyaar-garowdaan in aad dalkeenna ka xoreysaan cadowga oo soo celisaan qiimaha, sharafka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed”. Ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha, oo dardaaran u jeediyay ciidanka tababbarka qaatay, ayaa xusay in cutubyadani ay door weyn ka ciyaari doonaan dadaallada dowladdu ugu jirto xaqiijinta amniga dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah oo caqabad ku ah amniga iyo midnimada dalkeenna.

Raiisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga shacabkooda iyo Xukuuumaddooda, dadaalkooda iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

May be an image of 11 people and clarinetMay be an image of 8 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 9 people and textMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people and textMay be an image of 6 people and text that says "GA K.I ኢአበያሎ AINTORK TÜRK GK 2017 2017 CORGOR"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here