Fiqi: Ganacsatada Soomaaliyeed Lacagaha Fadhigooda Ayey Al-Shabaab U Geeyaan

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag u cambaareeyay qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed, isagoo ku eedeeyay inay si toos ah ama dadban u taageeraan kooxda Al-Shabaab, iyagoo lacag ugu geeya fadhiyadooda, taasoo uu ku tilmaamay mid halis ku ah amniga qaranka.

 

Wasiir Fiqi oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in dowladdu ay tan iyo bilooyinkii u dambeeyay xirtay agabyo badan oo Al-Shabaab isticmaali jireen, sida qalabka isgaarsiinta iyo badeecooyin gaar ah oo loo adeegsan jiray weerarada. Si kastaba ha ahaatee, wasiirku wuxuu sheegay in weli ay jiraan ganacsato lacagtooda si ula kac ah ugu shubta gacmaha kooxda Al-Shabaab.

“Waa nasiib darro in ganacsato Soomaaliyeed oo ku nool Muqdisho iyo magaalooyin kale ay si ulakac ah lacag ugu diraan Al-Shabaab. Lacagahaas ma ahan mid ay baad u bixiyaan ee waa mid ay iyagu raalli ka yihiin inay siiyaan kooxda argagixisada ah,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga.

Wasiir Fiqi wuxuu xusay in dowladda federaalka Soomaaliya ay wado qorshe sharciyeed adag oo lagula xisaabtami doono ganacsatada xiriirka la leh Al-Shabaab. Wuxuu intaas ku daray in tallaabooyin sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay taageero siiso kooxda.

“Cid kasta oo caddayn lagu helo in ay si toos ah ama dadban u taageerto Al-Shabaab, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharci ah. Ma ogolaanayno in gacanta laga caawiyo cadowga ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Fiqi.

Eedeyntan ayaa imaneysa xilli dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Al-Shabaab, iyadoo guulo laga gaaray howlgallo ka dhacay gobollada dalka, gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya. Dowladda ayaa sidoo kale wada ol’ole ka dhan ah dhaqaalaha kooxda, waxaana la xiray xawaalado, shirkado iyo akoonno la tuhunsan yahay inay taageeraan kooxdan.

Si kastaba ha ahaatee, ganacsatada Soomaaliyeed ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeynta wasiirka, inkasta oo ay horay u jireen cabashooyin la xiriira baad si sharci darro ah looga qaado ganacsatada, taasoo ay kooxdu ku khasabto iyada oo adeegsanaysa cabsi gelin iyo hanjabaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here