Muqdisho – Iyadoo dowladda Soomaaliya ay dadaallo xoogan ku bixineyso dhismaha hanaanka dowlad-goboleedka SCC Khatumo, ayaa Abdirisaaq Xasan Dhokir oo ka tirsan baarlamaanka federaalka, una hadlay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Shabelle, waxa uu si cad uga digay in dowladda federaalka ay faragelin ku samayso hanaanka dowlad-dhiska maamulka SCC Khatumo.
Xildhibaanku waxa uu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in ay ka daato faragelinta iyo in ay u ogolaato dadka reer SCC Khatumo in ay iyagu iska dhistaan maamul ay ku qanacsan yihiin, kaasoo matala danaha bulshada ku dhaqan deegaankaasi.
“Dowladda waa in ay ixtiraamtaa rabitaanka dadka reer SCC Khatumo, oo ay u ogolaataa in ay iyagu maamulkeeda dhistaan, si loo helo maamul loo wada dhan yahay oo dhab ahaantii bulshada ka turjuma,” ayuu yiri xildhibaanka.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay socdaan dadaalladii ugu dambeeyay ee lagu dhisayo maamulka SCC Khatumo, kaasoo dhowaan dowladda dhexe ay si rasmi ah u aqoonsatay, una aqoonsatay inuu noqdo dowlad-goboleed hoos yimaada dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhismaha maamulka SCC Khatumo ayaa ah mid muhiim u ah xasilinta gobolka iyo dhismaha nidaamka federaalka, hase yeeshee hadalka xildhibaan Abdirisaaq Xasan Dhokir ayaa muujinaya welwel laga qabo in faragelin dowladeed ay curyaamiso hannaankaasi.
Wararka ka imanaya deegaanka ayaa tilmaamaya in dhinacyada kala duwan ee reer SCC Khatumo ay wada shaqeyn la leeyihiin dowladda dhexe, islamarkaana lagu guda jiro wada xaajood ku saabsan sida ugu habboon ee maamulka loo dhisi karo, si loo gaaro xal waara.




