Addis Ababa – Midowga Afrika ayaa go’aamiyay in ciidanka Burundi ee ku sugan Soomaaliya la sii joogo lix bilood oo dheeraad ah, si loo xoojiyo dadaallada ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo taageerida qorshayaasha dhismaha dawladnimada.
Go’aankan ayaa la qaatay Khamiistii intii lagu jiray kulan online ah oo ay yeesheen wasiirrada arrimaha amniga ee xubnaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC), oo ah hay’adda ugu weyn ee Midowga Afrika ka shaqeysa arrimaha nabadda iyo ammaanka qaaradda.
Ciidanka Burundi, oo markii hore la qorsheeyay inay dalka ka baxaan 30-ka Juun 2025, ayaa hadda waxaa lagu sii hayn doonaa howlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaan Howlgallada Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM). Joogitaankooda ayaa la filayaa inuu sii xoojiyo howlgalada amniga iyo inuu taageero xasiloonida muhiimka ah iyadoo Soomaaliya ay ku sii socoto sidii ay si buuxda gacanta ugu dhigi lahayd hay’adaha difaaca iyo maamulka.
Kordhinta muddadan ayaa timid iyadoo ay jiraan khilaafaadyo u dhexeeya waddamada ciidanka ku biiriya ee AUSSOM oo ku saabsan qaabka iyo xawaaraha howlgalka tan iyo markii AUSSOM si rasmi ah u bedeshay Howlgalkii Kala-guurka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) 1-da Janaayo 2025. Mas’uuliyiinta ayaa rajeynaya in lixda bilood ee dheeraadka ah ay siin doonaan waddamada kale fursad ay ku dhamaystiraan diyaar-garowgooda.
Intii lagu guda jiray kulanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qabto shir maalgelin ah oo AUSSOM ah. Waxa uu soo jeediyay in dal ka tirsan Khaliijka uu martigeliyo shirka si loo dhiso hab-raacyo maalgelin oo waara iyo in la hagaajiyo hufnaanta dhaqaale ee howlgalkan.
“Waxaan ku boorinaynaa dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika inay si macno leh uga qayb qaataan Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika,” ayuu yiri Cali Maxamed Cumar. “Hogaaminta Afrikaanka iyo isla xisaabtanka ayaa muhiim u ah soo jiidashada taageerada caalamiga ah iyo xaqiijinta guusha muddada dheer ee AUSSOM.”
Inkastoo AUSSOM ay muhiim tahay, Qaramada Midoobay ayaa weli raadinaysa $41.6 milyan oo dheeraad ah oo ka baxsan miisaaniyadda si loo sii wado howlgalkan, kaasoo weli wajahaya khataro joogto ah oo ka imanaya Al-Shabaab iyo xaalad siyaasadeed oo jilicsan Soomaaliya.
Miisaaniyadda sannadlaha ah ee howlgalkan ayaa asal ahaan lagu qiyaasay $190.2 milyan, hase yeeshee go’aan lagu dhimay lacagta la siinayo askari kasta oo ah $828 bishii, halkii laga dhigi lahaa $1,000, ayaa hoos u dhigay miisaaniyadda dib loo eegay ilaa $166.5 milyan.
Burundi ayaa noqotay dalka ugu weyn ee ciidanka ka bixiya howlgallada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya muddo ku dhow labaatan sano. Kordhintan cusub ayaa muujinaysa caqabadaha weli jira ee ku saabsan wareejinta masuuliyadda amniga ciidamada Soomaaliya iyadoo la ilaalinayo taageerada goboleed iyo tan caalami ah.




