Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhaweeyey Masar

0

Qaahira, Luulyo 6, 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada xeebeedka Al-Calmayn ee dalka Masar, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Masar.

 

Inta uu ku sugan yahay dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Sisi. Labada hoggaan ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga ku aaddan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo arrimaha gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigelinta qaran ee loo sameeyey isaga iyo wafdigiisa, taasoo uu ku tilmaamay mid ka tarjumaysa xiriirka qotoda dheer ee u dhaxeeya labada dal iyo labada shacab.

May be an image of 6 people, aircraft and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 5 people and aircraftMay be an image of 8 people and aircraft

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here