Al-Shabaab oo weerar ku qaadey Gumare iyo Moqokori

0

MOQOKORI, Soomaaliya  – Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaadey saaka deegaanka Gumare oo 40KM u jira degmada Moqokori.

 

Qaraxyo baabuur ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen weerarka oo isku bedelay dagaal toos ah oo deegaanka ka socda wali.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale, Al-Shabaab weerar ku qaadey degmada Moqokori, iyadoo halkaas ay difaacayaan Ciidamada dowladda.

Ma jirto wali war kasoo baxay dowladda oo ku saabsan weerarka Al-Shabaab.

Faahfaahin, kala soco wararkeena dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here