Al-Shabaab oo sheegatay inay la wareegtay degmada Moqokori kadib weerar culus

0

HIIRAAN, Soomaaliya — Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay si buuxda ula wareegtay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan kadib weerar culus oo ay ku qaadeen xalay saqdii dhexe, kaas oo ay ku fureen qaraxyo iyo dagaal toos ah.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahannadoodu ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugnaa degmada Moqokori, iyaga oo adeegsanaya gaadiid miineysan iyo ciidamo lug ah oo weerarka kadib gudaha u galay magaalada.

Goobjoogeyaal ku sugan deegaanka oo la hadlay warbaahinta Shabelle ayaa xaqiijiyay in la maqlayay qaraxyo waaweyn iyo rasaas culus oo socotay muddo ku dhow saacad. Waxaa sidoo kale la soo sheegayaa in qaar ka mid ah ciidamada difaaca deegaanka ay dib uga gurteen saldhigyada kadib markii ay waayeen taageero degdeg ah.

Ilo-wareedyo aan rasmi ahayn ayaa sheegaya khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhacay labada dhinac, hase yeeshee dowladda federaalka iyo maamulka Hirshabelle weli kama aysan hadlin sheegashada Al-Shabaab.

Degmada Moqokori ayaa muhiim u ah isku xirka gobollada dhexe, waxaana la wareegidda degmada loo arkaa mid istiraatiiji ah oo dhabar-jab ku noqon karta dadaallada socda ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan, gaar ahaan howlgalka ay hoggaaminayaan ciidamada deegaanka ee loo yaqaan “Macawiisleyda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here