Mustaqbalka Maamulka SSC Khaatumo oo Mugdi Ku Jira: Khilaaf Ka Dhex Qarxay Puntland

0

Garoowe – Arrimaha la xiriira dhameystirka maamulka SSC Khaatumo ayaa si weyn uga dhex abuuray muran siyaasadeed iyo su’aalo adag gudaha Puntland iyo deegaannada ay sheegato SSC Khaatumo, iyadoo aan weli la caddeyn sida rasmiga ah ee maamulkaasi loo dhammaystiri doono.

 

Su’aalaha ugu badan ee taagan ayaa ah: Sidee loo dhameystirayaa maamulka SSC Khaatumo? Gobolkee rasmi ahaan loo raacinayaa? Ma doonayaan in ay helaan dekedda Garacad?

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo shalay ka hadlay arrintan, ayaa sheegay in SSC ay ku ekaato gobolka Sool oo ay si buuxda ula wareegto, balse aysan u fidin karin damac siyaasadeed oo ku fidsan gobolka Sanaag. Hadalkan ayaa si weyn uga caraysiiyay siyaasiyiinta Puntland, kuwaasoo ku eedeeyay Deni in uu bilaabay kala firdhin gobollada Puntland iyadoo aan jirin wax wadahadal ah oo rasmi ah.

Eng. Cabdicasiis Faarax, oo ka tirsan siyaasiyiinta Puntland, ayaa wareysi uu siiyay Shabelle uga digay in SSC laga xanibo horumar iyo marin-dadeed muhiim ah. Wuxuu yiri: “Marka laga tago Sanaag, Khaatumo waxay u baahantahay inay hesho dekedda Garacad si ay uga faa’iideystaan dhaqaalaha iyo horumarka.”

Dhanka kale, SSC Khaatumo ayaan weli si cad u muujin qorshahooda mustaqbalka – mana jirto war rasmi ah oo ay ku cadeeyeen in ay doonayaan inay ku biiraan Puntland, inay noqdaan maamul madax bannaan, ama in ay u gudbaan Federaalka. Tani waxay sababtay in ay sii kordhaan tuhunka iyo walaaca dhinacyada ay quseyso.

Siyaasiyiin badan ayaa rumeysan in SSC Khaatumo ay “qodaysato god ay ku beegsanayaan xukuumado kale,” iyadoo aysan la tashan dadka deegaanka, lana waafajinayn danaha guud ee gobolka ama Puntland oo dhan.

Weli waxaa la sugayaa in wadahadallo dhab ah laga yeesho mustaqbalka SSC Khaatumo iyo doorkooda siyaasadeed ee gudaha Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here