Muqdisho, Soomaaliya – 9 Luulyo 2025 – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca diyaarinta iyo ka falcelinta xaaladaha degdegga ah sida fatahaadaha, abaaraha, iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah.
Intii uu socday kulanku, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray kordhinta taageerada farsamo iyo mid dhaqaale ee la xiriirta la-tacaalidda masiibooyinka, taageeridda dib-u-dhiska kaabayaasha muhiimka ah sida biyaha, caafimaadka iyo wadooyinka iyo horumarinta nolol waarta iyo gargaaridda bulshooyinka nugul
Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha garab istaagga joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay iskaashigan mid muhiim u ah dhismaha hannaan waara oo wax looga qaban karo masiibooyinka soo noqnoqda.
Dhankiisa, Danjire Wang Yuayaa sheegay in Shiinuhu ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo taageeridda Soomaaliya dhinacyada horumarka, dib-u-dhiska iyo nolosha bulshada.
Kulankan ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyadda cusub ee SoDMA ay ku ballaarinayso iskaashiga caalamiga ah si loo yareeyo saameynta masiibooyinka dalka.




