Wasiirka Maaliyadda Puntland oo shacabka ugu baaqay midnimo iyo ka qeyb qaadashada horumarka

0

GALKACYO, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa shacabka Puntland ugu baaqay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarka maamulka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wax wada qabsiga.

 

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay magaalada waqooyiga Galkacyo, halkaas oo uu safar shaqo ku tagay si uu uga qeyb galo kormeer ku saabsan mashaariic horumarineed iyo kulammo la xiriira dhaqaalaha gobolka.

Isagoo la hadlayay warbaahinta, Wasiir Maxamed Faarax ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay kaalintooda ka qaataan dhismaha waddooyinka, sugidda amniga, kor u qaadista dhaqaalaha, iyo xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin kooxaha cadowga ah.

“Shacabka Puntland waa in ay mar walba isku duubnaadaan, una istaagaan horumarinta iyo difaaca deegaankooda,” ayuu yiri wasiirka.

Baaqan ayaa imanaya xilli Puntland ay wado dadaallo xooggan oo lagu dhisayo kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan waddooyinka muhiimka ah iyo adeegyada bulshada, si loo xoojiyo isku socodka gudaha iyo kobaca dhaqaalaha maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here