Shacabka Sabiid iyo Caanoole oo Dib ugu Laabtay Guryahooda

0

Shabeelaha Hoose – Shacabka kunoolaa deegaanada Sabid iyo Caanoole ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta inta badan dib ugu laabtay guryahooda, kaddib markii ay muddo afar bilood oo ka barakaceen dagaallo iyo duqeymo.

Deegaanadan ayaa dhawaan laga saaray Al-Shabaab, kadib markii ay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadooda fuliyeen weeraro dhulka iyo cirka ah oo xoogan, taasoo keentay in gacanta lagu dhigo deegaanadaas oo haatan ay amniga ka sugayaan ciidamada xoogga dalka.

Prof. Dalxa, oo ah xildhibaan hore kana soo jeeda gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa waraysi gaar ah siiyey Shabelle, isagoo sheegay in shacabka ay maanta si nabad ah ugu laabteen guryahooda, isla markaana muddo dheer ay ka shaqeynayeen sidii ay dib ugu heli lahaayeen nolol caadi ah.

Wuxuu Prof. Dalxa ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo bulshada caalamka inay gurmad bini’aadamnimo u diraan shacabka deegaanka Sabid iyo Caanoole, maadaama ay wajahaan duruufo adag oo nololeed, iyadoo inta badan guryahooda iyo beerahoodii ku baaba’een dagaalada iyo duqeymaha ka dhacay deegaanadaasi.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli mudooyinkii u dambeeyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya xoogagga deegaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka wadaan hawlgallo lagu saarayo Al-Shabaab deegaanada Shabeelaha Hoose, Dhexe iyo Hiiraan, kuwaas oo mararka qaar ay weheliso duqeymo cirka ah.

Ciidamada dowladda ayaa ku guuleystay in ay ka saaraan kooxaha hubeysan deegaanada muhiimka ah ee gobolka, taasoo horseedaysa in shacabka ay dib u helaan guryahooda iyo nolol caadi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here