Qarax Ka Dhacay Bariga Kenya oo Dilay Saddex Askari oo Kenyan ah

0

KENYA – Saddex askari oo Kenyan ah ayaa lagu dilay qarax lala beegsaday kolonyo ay ku jireen xilli ay ku jireen howlgallo kormeer ah meel u dhow xadka Soomaaliya, sida ay sheegtay ciidamada difaaca Kenya.

Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa ku sheegtay boggeeda in ugu yaraan labo askari Kenyan ah lagu dilay qaraxa halka kuwo kalena lagu dhaawacay, inkastoo aysan si toos ah u sheegan mas’uuliyadda weerarka.

Ciidanka difaaca Kenya ayaa sheegay in kolonyadu ay la kulantay qaraxa nooca la dhigo (IED) aroornimadii Talaadadii, inta u dhexeysa Sankuri iyo Kiunga, magaalo xeebeed ku taalla 12km u jirta xadka Soomaaliya.

“Si nasiib darro ah, saddex askari oo geesiyaal ah ayaa u geeriyooday dhaawacyadii ay ka soo gaareen weerarka. Askarigani waxay bixiyeen nafahooda si ay u gutaan waajibkooda qaran,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada difaaca Kenya.

Al-Shabaab ayaa wali gacanta ku haysa deegaano badan oo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ah, waxayna si joogto ah u fuliyaan weerarro ka dhan ah bartilmaameedyo ciidan iyo kuwo rayid ah gudaha Kenya.

Falanqeeyeyaasha amniga ayaa sheegaya in weerarradan ay ujeedadoodu tahay cadaadis lagu saarayo Kenya si ay ciidamadeeda uga saarto howlgalka nabad-ilaalinta ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here