Muqdisho, Luulyo 18, 2025 — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in dadka ku nool caasimadda lagu qasbo inay iska diiwaan galiyaan xarumaha laga wado diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashada.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ay faafinayaan siyaasiyiin uu ku tilmaamay kuwo ka soo horjeeda geedi socodka doorashada. Wuxuu ku eedeeyay inay yihiin “magac-u-yaal siyaasadeed” oo isku dayaya inay jahwareer ka abuuraan habsami u socodka diiwaangelinta.
“Doorashadu waa fursad muhiim ah oo shacabka Soomaaliyeed ay codkooda ku muujinayaan. Waxaa muhiim ah in qof walba si xor ah u isdiiwaangeliyo oo u codeeyo, si uu u doorto hoggaamiyaha uu aaminsan yahay,” ayuu yiri Dr. Muungaab.
Hadalka Guddoomiyaha ayaa imaanaya xilli cabashooyin laga maqlayay qeybo kamid ah bulshada magaalada Muqdisho, kuwaas oo sheegaya in si qasab ah loo diiwaangelinayo dadka maraya waddooyinka qaar.
Guddoomiye Muungaab ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in aysan rumaysan wararka been abuurka ah, isla markaana ay ka faa’iideystaan fursadda ay helayaan si ay u qaataan doorkooda muwaadinimo oo ay doorashada uga qeyb qaataan si xor ah oo nabad ah.




