Xildhibaan eedeyn culus u jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya

0

Muqdisho – Xildhibaan Maxamed Cumar Cali (Caana-nuug), oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag u dhaliilay madaxda dowladda dhexe, isaga oo ku eedeeyay inay hurinayaan qalalaaso iyo dagaallo ka aloosan gobollo nabad ahaa, halkii laga rabay inay ka shaqeeyaan xoreynta deegaannada ay joogaan cadowga.

 

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda dhexe ay indhaha ka qarsatay meelaha ay joogaan kooxaha argagixisada, isagoo xusay in halkii laga sugaayay inay nabad ka dhigaan deegaannadaasi ay bedelkeeda door bidayaan inay colaad ka dhex abuuraan maamul-goboleedyada walaalaha ah ee deriska ah.

“Waxaa muuqata qorshe siyaasadeed oo ku wajahan burburinta nidaamka federaalka ah, waana nasiib darro in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u socdo sidii uu u dumiyo nidaamkaas oo lagu heshiiyay,” ayuu yiri Xildhibaan Caana-nuug.

Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay xiisad colaadeed ka dhex aloosan tahay maamulka Puntland iyo SSC, taasoo dagaallo culus ay ka dhaceen. Siyaasiyiin badan ayaa eedeyn u jeediyay dowladda dhexe, iyaga oo ku tuhmay in ay si dadban uga dambeyso dagaalkaas.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa kasii dareysa iyadoo ay isa soo tarayaan eedeymaha loo jeedinayo Villa Somalia ee ku saabsan faragelinta maamul-goboleedyada iyo ku xadgudubka nidaamka federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here