Soomaaliya oo soo dhoweysay heshiiska xabbad-joojinta DRC iyo M23

0

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya, oo xubin aan joogto ahayn ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa si diirran u soo dhoweysay heshiiska xabbad-joojinta ee Sabtidii lagu kala saxiixday magaalada Doha, kaas oo dhexmaray Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC) iyo kooxda hubeysan ee M23.

 

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu yahay “tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka nabadda iyo xasilloonida” gobolka bariga Congo oo muddo dheer wajahayay colaado hubeysan iyo dhibaatooyin bani’aadantinimo.

Soomaaliya waxay sidoo kale uga mahadcelisay Dowladda Qadar kaalinteeda dhex-dhexaadinta, iyadoo ku tilmaantay dadaallada Qatar “kuwa muhiim u ahaa in dhinacyadu isugu yimaadaan miiska wadahadalka.”

Dowladda Soomaaliya waxay muujisay in fulinta heshiiska si buuxda iyo wadahadal joogto ah ay lama huraan u yihiin in la gaaro nabad waarta iyo xasillooni dhab ah.

“Soomaaliya waxay garab taagan tahay shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo iyo guud ahaan gobolka Harooyinka Waaweyn,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Ugu dambayn, Soomaaliya waxay xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada ay u fidinayso dadaallada heer gobol iyo kuwa caalami ah ee lagu xaqiijinayo horumar, nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaada qaaradda Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here