Weerar Qaraxyo Ku Bilaabmay oo Gilgilay Deegaanka Sabiid iyo Caanoole

0

Sabiid & Caanoole, Shabeellaha Hoose – Dagaal xooggan ayaa saaka waaberigii ka qarxay deegaanka Sabiid iyo Caanoole kadib markii maleeshiyada Al-shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhigyo ay halkaas ku lahaayeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Uganda ee howlgalka AUSSOM.

 

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerarka uu ku bilaabmay qaraxyo aad u xooggan oo jugtooda laga maqlay tuulooyin ka durugsan goobta lagu dagaallamayo.

Kadib qaraxyada, waxaa dhacay iska horimaad toos ah oo weli ka socda gudaha deegaanka, iyadoo labada dhinac ay is weydaarsanayaan rasaas culus.

Warar hordhac ah oo aan la xaqiijin ayaa tilmaamaya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hase yeeshee lama helin tiro rasmi ah, maadaama dagaalku wali socdo.

Ilo-wareedyo deegaanka ah ayaa sheegaya in tani ay tahay mid ka mid ah weerarradii ugu xooganaa ee ka dhaca Sabiid iyo Caanoole tan iyo markii ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay deegaanka kala wareegeen Al-shabaab bishii Juun ee lasoo dhaafay.

Ilaa hadda, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha dowladda ama maamulka gobolka Shabeellaha Hoose oo ku saabsan xaaladda dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here