Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Galgaduud [Fahfaahin]

0

GALGADUUD – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xooggan oo hubeysan uu galabta ka dhacay deegaanka God Shillan, oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Qaayib iyo Xiindheere.

 

Dagaalkan ayaa dhexmaray dagaalyahano kawada Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay isku khilaafeen arrimo gudaha ah oo aan wali si rasmi ah loo shaacin.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in dagaalkaasi uu sababay dhimashada saddex xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka toddobo kale ay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen.

Dagaalka ayaa si xooggan u saameeyay deegaanka, iyadoo dadweynaha ku nool deegaanada ku dhow ay cabsi iyo welwel ka muujiyeen xaaladda amni ee ka jirta.

Khilaafka sababay dagaalka ayaa lagu tilmaamay mid gudaha ah, balse faahfaahin dheeraad ah lagama helin sababaha. Xoogaga dagaalamay ayaa adeegsaday hub culus, waxaana la sheegay inay jiraan dhaawacyo kale oo aan wali la xaqiijin.

Dadweynaha deegaanka ayaa ka digay in dagaallo noocan oo kale ah ay sii hurin karaan xaaladda amni darrida ee gobolka, halkaas oo dagaalyahanada Al-Shabaab ay weli ku leeyihiin saameyn ballaaran.

Ma jiro wax hadal rasmi ah oo kasoo baxay hoggaanka Al-Shabaab oo ku saabsan dagaalka gudaha ah ee ka dhacay God Shillan, halka ciidamada ammaanka iyo maamulka gobolka Galgaduud ay weli ku jiraan xaalad digniin ah, iyagoo dadaal ugu jira sidii amniga loo xaqiijin lahaa.

Deegaanka God Shillan iyo guud ahaan gobolka Galgaduud ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa goob dagaallo iyo iska horimaadyo kala duwan oo u dhexeeya kooxaha hubeysan iyo ciidamada dowladda, taasoo keentay dhibaatooyin kala duwan oo ay la kulmeen shacabka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here