Al-Shabaab oo weerar ku qaaday tuulada basuba ee dalka Kenya

0

LAMU, Kenya – Dadka ku nool tuulada Basuba oo ku taalla gudaha keynta Boni ee degmada Lamu ayaa habeenkii Jimcaha si lama filaan ah hurdada uga soo toosay kaddib markii in ka badan 60 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ay weerar culus ku qaadeen deegaankaasi.

 

Weerarka ayaa la sheegay inuu billowday abaare 9:00 fiidnimo, iyadoo koox ka mid ah dableyda ay weerarka tooska ah ku qaadeen tuulada iyo xeryaha ciidamada GSU, halka koox kalena ay hareereeyeen xerada ciidamada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay si geesinimo leh u difaaceen xeradooda, iyadoo iska caabbin adag socotay muddo saacad ka badan, ka hor inta aysan dagaalyahanadu dib u guran.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku rideen tuulada iyo xerada afar gantaal oo nooca RPG ah, mid ka mid ahna uu ku dhacay guri, taasoo keentay cabsi xooggan iyo kala carar, iyadoo dadku dhulka isku dhuunteen si ay uga badbaadaan weerarka.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa yiri: “Waxaan maqalnay daryanka gantaalka iyo rasaasta aan kala joogsiga lahayn, waxaana naloo sheegay in aan dhulka jiifno si aan uga badbaadno.”

Inkasta oo ay ahayd habeen deggan, hadana xaaladdu waxay isu beddeshay jahwareer iyo argagax baahsan, iyadoo dadkii ay cabsi darteed seexan waayeen.

Ilaa hadda wax khasaare naf iyo maalba lama soo warin, balse hay’adaha amniga ayaa sare u qaaday hawlgallada la-dagaallanka argagixisada, iyagoo ciidamo badan geeyay halkaasi si ay uga daba tagaan dableydii weerarka soo qaaday.

Xigasho: The Citizen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here